Tababar looga hadlayay ka hortaga Askareynta Caruurta Soomaaliyeed oo muqdisho ka Furmay.

51

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid (Gacaliye) ayaa Maanta muqdisho ka Daah-furay Tababarka Awood-dhiska Wakiilada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Ilaalinta Caruurta.

Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska ka hortagga Askareynta Caruurta (CPU) ee Wasaaradda Gaashaandhigga XS, iyadoo furitaanka ay kasoo qeyb galeen Saraakiil ka Socotay Safaarada Uk, US, Qaramada Midoobey iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS.

Khubarada Xafiiksa ka hortagga Askareynta Caruurta (CPU) Ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka qeyb-galayaasha u sharaxayey Xuquuqda iyo Waajibaadka Saaran Wakiilada Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee ka kala Socday Talis-yada Ciidanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sida looga hortagilahaa in askarta ka midnoqdaan, waxaana si qota dheer loogu soo bandhigay hanaanka loo marayo ka hortagga askareynta caruurta iyo ilaalinta Xuquuqdooda.

Tababarkan Waxaa iska -kaashaday Wasaaradda Gaashaandhigga XFS gaar ahaan Xafiiska ka hortagga Askareynta Caruurta (CPU) iyo UNSOM.