Khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Cadaaladda & Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa

40

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa Dr Xasan Khaliif Xasan ayaa banaanka soo dhigay khilaaf xilligaan ka dhaxeeya Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Cabdul qaadir Maxamad Nuur Jaamac iyo qaar kamid ah Xubnaha Guddiga, isaga oo eedeyn u jeediyay.

Dr Xasan Khaliif waxaa uu sheegay in uu sigaar ah khilaafka uga dhaxeeya Wasiir Cabduqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa, kaas oo soo bilaawday markii Guddiga la dhaariyay ee uu dooranayay guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa Dr Xasan Khaliif oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa sheegay in khilaafka uu baawday kadib markii Wasiirka Cadaaladda uu si sharci darro ah isugu dayay in uu soo farageliyo howsha Guddiga, balse khilaafka uu sarasmi ah u soo baxay 9-kii  Bishaan xilli loo dabaal degayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka musuq maasuwa.

Ugu dambeyn Dr Xasan Khaliif waxaa uu ku eedeeyay Wasiirka  Cadaaladda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda inay si sharci darro ah gacanta ugu jiraan howlaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.