Dowladda Soomaaliya oo QM warbixin ka siisay abaaraha dalka ku dhuftay.

41

Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ka qeyb galayay Dood looga arrinsanayay gargaarka arimaha Beni’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha ayaa shirka ka sidaan ka yiri “Waxaan warbixin ka siinay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas beni’aadannimo ee hadda taagan.”

Sidoo kale Xoghaye Maxamed ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.