Guddi ka shaqeeya Qorshaha DF kula wareegayso Amniga Dalka oo la howl galiyay

25

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howl galisay guddi ka shaqeeya sidii ay amniga dalka si rasmi ah ugala wareegi laheyd Saaxiibada Caalamka oo ay kamid tahay AMISOM.

Guddiga ayaa ka kooban mas’uuliyiin ka kala socota dowladda federaalka, dowlad goboleedyada.

Mas’uuliyiin uu kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa ka qeyb galay munaasabadan lagu daah furayay guddiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla.

“Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.” ayuu yiri wasiirka.