Xiisad dagaal oo caawa ka taagan Boosaaso

51

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa caawa laga dareemi Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada.

Labo kamid ah isbitaalada magaalada ayaa la geeyay shaqaala dheeriya caafimaad ,ayadoo ay wali ay jirto xiisad ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha PSF.

Boqolaal ka mid ah ciidanka maamulka Puntland ayaa lagu arkaya wadooyinka muhiimka ahaa ee magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale ciidamo la geeyay duleedka Magaalada Boosaaso.

Gudaha Magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo xooggan oo heysto taliyihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano, kaasoo diiday xilka qaadistiisa.

Waxgaradka Magaalada Boosaaso ayaa shalay ku dhawaaqay go’aamo lagu xalin karo xiisadda waxaana ku gacanseyrtay Madaxtooyadda maamulka Puntland.