Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Lugta oo digniin Culus u diray Askarta dilalka u geysta Shacabka.

25

General Maxamed Tahliil Biixi    Taliyaha ciidamada Xoogga Lugta,  oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo tababar muqdisho loogu soo xiray ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada Xoogga, isagoo sheegay in tallaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii dila qof shacab ah.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dilalkii ka dhacay Muqdisho oo ay geysteen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga, waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in askari ka tirsan Xoogga dalka uu dilo qof shacab ah, halkii uu sugi lahaa amnigiisa.

“Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri taliye Biixi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in eedesanayaasha dilka u geystay dhalinyaradii Soomaaliyeed ay gacanta Hay’addaha Amniga ku jiraan lana horgeyn doono sharciga, islamarkaana aysan qeyb ka noqon doonin amni darrada

Muqdisho waxaa xalay iyo Habeen hore dil loogu geystay dhalinyaro Seddex ah, waxaana dilka muwaadiniintaasi ka dambeeyay Askar ka tirsan kuwa Xoogga, kuwaas oo rasaas ay ku fureen u geeryooday.