Maleeshiyaad hubeysan oo dil & dhaawac u geystay Dad Shacab ah

88

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay rasaaseeyeen dad Shacab ah oo ku sugnaa Baliga degaanka Gaadaale oo u dhaxeeya Gobolada Cayn & Togdheer.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rasaasta  uu ku dhintay hal ruux mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana degaanka falka uu ka dhacay Maamula Somaliland.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo baadi goob u galay maleeshiyaadka dilka geystay walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Xaaladda degaanka uu dilka ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, iyada oo arrintaan oo salka ku heeyso aano qabiil, iyada oo ay walaac ka muujiyeen Ehellada dadka la dilay.