Ehellada Sakariya & Sowdo oo shuruud ku xiray in la Aaso meydadka

42

Qaar kamid ah Ehellada Sakariye Maxamuud kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo wada dhashay kuwaas oo xalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku dileen Muqdisho ayaa sheegay in aan la Aasi doonin meydadka ilaa Cadaalad loo helo.

Cabdirashiir Maxamuud Xuseen oo la dhashay Wiilka & Gabadha la dilay ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in aan la Aasin meydadka ilaa la keeno dadkii dilay, wuxuuna ka codsaday laamaha Amniha & Maamulka Gobolka Banaadir inay kala Shaqeeyaan sidii ay cadaalad u heli lahaayeen Walaalihiis.

Qaar kamid ah Ehellada Sakariya iyo Sowdo oo iyana hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku dhacday arrin naxdin leh, isla markaana waqti badan ay ku bixin doonaan sidii dadkooda ay cadaalad ugu heli lahaayeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar markii wadsooyinka ay ka xirmaan waxaa ay ku furtaan rasaas farabadan taas oo sababta inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dad Shacab ah.