Maamulka Galmudug Oo Degmo U Aqoonsaday Degaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

48

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug oo ka qabsoomay Dhusamareeb.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada, iyada dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoona ugu danbeyntii Cod loo qaaday degmeynta Xeraale oo ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan..