Puntland oo xoog ku soo furatay markabka MT HONOUR oo ay burcad-badeed afduub ku haysteen

2

Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland (PMPF) ayaa sheegay inay hawlgal ka sameeyeen xeebaha Dharin-baar ee degmada Bander-Beyla, gacanta ku dhigeen markabka MT HONOUR 25, oo ay kooxo burcad-badeed ah afduub ugu haysteen.

Markabkan oo sita calanka Palau ayaa ah nooca qaada badeecooyinka shidaalka, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaali ah. Markabka ayaa la qabsaday 21-kii Abriil 2026, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya, iyadoo markabka iyo shaqaalihiisa ay muddo gacanta burcad-badeedda ku jireen.

Ciidanka PMPF ayaa sheegay in hawlgalku ahaa mid qorshaysan, ayna ciidamada ku guuleysteen inay markabka ka soo furtaan kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo markabka u haystay madax furasho gaaraysa labo milyan oo dollar.

MT HONOUR 25 waxaa saarnaa shaqaale gaaraya 17 qof, kuwaas oo u badnaa muwaadiniin Pakistan u dhashay, sida ay hore u xaqiijiyeen warbixinno caalami ah.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xeebaha Soomaaliya ka jiran dhacdooyin burcad-badeednimo oo soo noqday, iyadoo markabka HONOUR 25 uu kamid ahaa maraakiib ganacsi oo sanadkan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale xoog lagu soo furtay Markab ganacsi oo lagu magacaabo SIBU 1, kaasoo aay burcad badeeddu afduubteen bishii August ee sanadkan.

Haatan saddex Markab ayaa weli gacanta ugu jira kooxaha burcad badeedda Soomaalida. Puntland ayaa amartay in la weeraro burcadda haysata maraakiibta, iyadoo ka digtay in madax furasho la siiyo.