Faah Faahin: Qarax Caawa Ka Dhacay Guri Uu Degan Yahay Wasiir Ka Tirsan Jubbaland

54

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax fiidnimadii Caawa ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa la geliyey Albaabka hore ee Guriga uu degan yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Abuu Yuusuf.

Dad ku sugan xaafadda Siinaay ee Kismaayo oo uu ku yaalla Guriga Wasiir Maxamed Sheekh ayaa ku warramay in qaraxaas uusan wax khasaaro ah, isla markaana guriga Wasiirka aan la joojin xiligaas oo uu cidlo ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa durbo gaaray goobta, iyagoo xiray aaga, waxaana Caawa xaafaddo ka tirsan Magaalada ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Caaasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo ku aadan qaraxaas Caawa dhacay Magaalada Kismaayo, mahan markii ugu horreeysay ee qarax uu ka dhacay Magaaladaas, waxaana horey uga dhacay qaraxyo kala duwan oo qaarkood khasaaro dhaliyey….