Madaxweyne Qoorqoor Oo Caawa Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

26

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maqribnimadii Caawa soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo bilaabatay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Madaxweyne Axned Cabdi Kaariye Qoorqoor uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo sheegay in aysan aqbali doonin doorashada ka socota dalka oo ay ku tilmaameen mid ku bilaabatay qaab aan wanaagsaneynin oo boob ah.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka weli aysan bilaabin maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle.