Booliiska oo ka hadlay dilkii Sowda iyo Sakariye

65

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo baarritaan lagu sameynayo sida uu u dhacay dilkii Sowda Maxamuud Xuseen iyo Sakariye Maxamuud Xuseen oo xalay lagu dilay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Saldhiga degmada Waaberi oo ka ag-dhow goobta uu falka ka dhacay ayaa xaqiijiyay in gaari Cabdi-bille ah oo u socday dhanka Bakaaraha uu rasaas ku furay Bajaajta ay saarnaayeen Sowdo iyo Sakariye.

Sidoo kale,  waxaa uu sheegay tan iyo markii u dhacay falka baaritaano iyo tixraac ay waday xarruunta dambi baarita ee CID, isaga oo tilmaamay in wixii ka soo baxa ay la wadaagi doonaan Bulshada.

Ehelka iyo Qoyska Sowda iyo Sakariye ayaa sheegay in aysan aasi doonin marxuumiinta, ilaa iyo inta gacanta lagu soo dhigayo cidii falkaasi gaystay oo Booliisku sheegeen in ay ku raad joogaan.