Barakacayaal degan Xerada Tawakal ee degan Duleedka Baardheere oo Codsadey in la gargaaro.

44

Iyadoo maal mahii ugu dambeeyey Roobabkii deyrta ay ka curteen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa isa soo taraya Cabashooyinka ay qabaan dadka Barakacayaasha ah ee degan Deegaano hoos taga degmada Baardheere,kuwaasi oo cabanaya dhibaatooyin nolol xumo.

Barakacayaasha degan Xerada Barakaca Tawakal eek u taala duleedka Baardheere oo u badan Haween ,waayeelo ah,Caruur iyo dad kale oo da,ah waxay xilligan ka cabanayaan xaalado nolol xumo oo la soo gudboonaaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin cunto yari, hoyla’aan ,waxbarasho la`aan, iyo caafimaad darro Sida ay ku waramayaan Qaar ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ah ee degan Xerada Tawakal.

Sidoo kale Ismaaciil Cumar Macalin oo Gudoomiyaha Xeryaha Barakacayasha degmada Baardheere oo ka hadlayey dhibaatooyinka ay qabaan xilligan Barakacayasha degan Camp tawakal ayaa tilmaamay inay baahi weyn u qabaan sidii loogu gurman lahaa,Qoysaskan oo badankooda ku xoolo beelay Abaarta.