Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad Weli Ka Taagan Magaalada Boosaaso

44

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa weli taagan xiisad u dhexeeysa Taliska Ciidanka PSF iyo Maamulka Puntland, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii uu dhawaan Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Ciidanka Booliska iyo ku daraawiishta Puntland ee ku sugan Boosaaso ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen xaafadda Ridwaan ee Magaaladaas oo ay ku taallo Xarunta Taliska Ciidanka PSF, ayna ku sugan yihiin Ciidamo farabadan.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa Maanta laga dareemayaa Boosaaso, iyadoona labada ciidan ee PSF iyo kuwa Maamulka Puntland ay haatan isaga dhow yihiin sidii maalmihii hore, isla markaana labada Ciidan ay isku muuqdaan.

Maamulka Gobolka Bari ayaa shalay ku dhawaaqay inay bilaabayaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana Saraakiisha ka qeyb galay kulan looga hadlaayay amniga oo ka dhacay Boosaaso ay sheegeen in howlgalka lagu dhawaaqay uu yahay mid ballaaran.

Todobaad ah ayaa ka soo wareegtay markii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Agaasimaha hay’adda PSF, isla markaana u magacaabay Agaasime cusub, taasoo ay ka soo horjeesteen taliska PSF.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa maalmo kahor ka barakacay qaar kamid ah dadkii deganaa Magaaladaas, mana jiraan wada-hadalo waan-waan ah oo u socda Madaxtooyada Puntland iyo Ciidamada hay’adda PSF.