Axmed Madoobe Oo Kulamo La Yeeshay Wafdi Ka Socday DF Iyo Maamul Goboleedyada

59

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Aqalka martida ku qaabilay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka iyo Dowlada xubnaha ka ah.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Shirka looga hadlaayay Arrimaha Waxbarashada ku yeeshay Kismaayo, wuxuuna Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay uga soo qeybgaleen Shirka Wasaaradaha Waxbarashada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu kulan ka sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya Wasaaradaha Waxbarashada dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, si tacliinta dalka ay u noqoto mid waxtar leh.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wuxuu intaas ku daray in iskaashiga dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowlada uu xoojinayo howlaha shacabka loo hayo isla Markana shaqooyinku ay noqonayaan kuwo isku dheeli tiran.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qaatay masuuliyiinta Wasaaradaha Caafimaadka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah  ee ka qeybgalay shirkii Wasaaradaha Caafimaadka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta kala duwan ee shirkan ka qeybgalay wadatashiyadii iyo qiimayntii ay sameeyeen maalmahii ay shirka ku jireen isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee heerarka kala duwan leh ee dalka taas oo xoojinaysa adeega shacabka loo hayo.