Guddoomiye Cirro oo ka horyimid dalabkii kasoo baxay Musharixiinta Mucaaradka ee ku aadanaa in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka.

47

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay walaaca ay xiligan midowga musharxiinta mucaaradka ay ka muujiyeen hanaanka ay ku socota doorashada golaha shacabka.

Guddoomiayaha ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay ka shaqeynayaan, sidii ay doorashada ku noqon laheyd mid daah-furan, wuxuuna tilmaamay in haatan waxa uu Koonfur Galbeed u joogo ay tahay xallinta cabashada ka timid kuraast qaar ee la doortay., isagoona ka horyimid dalabkii kasoo baxay xubnaha musharixiinta mucaaradka ee ku aadanaa in la hakiyo doorashada socota.

Hayeeshee guddoomiye Cirro ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin sabab loo joojiyo doorashada oo uu tilmaamay inay marar badan dib u dhacday.