R/wasaare hore Cumar Cabdirashiid oo muqdisho soo gaaray.

46

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta muqdisho yimid ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Aqalka Hoose oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho, maamul Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Cumar Cabdirashiid waxa Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

warbaahinta ayuu si kooban ula hadlay, wuxuuna sheegay in uu dhaliilsan yahay  sida ay ku socoto doorashada dalka.

Wuxuu tilmaamay in Muqdisho uu usoo gaaray wada-tashiyo in uu sameeyo oo saabsan arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan in uu yahay.