Qaramada Midoobay Oo Dalbatay Gargaar Bani’aadanimo Oo Gaaraya 41 Bilyan

61

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in baahida loo qabo gargaar bini’aadanimo ay gaari doonto heerkii ugu sarraysay sanadka soo socda,iyadoo masiibada, isbedelka cimilada iyo colaaduhu ay dad badan ku riixayaan in ay wajahaan xaalad macluul.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa maanta codsatay lacag dhan $41bn si loo caawiyo 183 milyan oo qof oo ah kuwo u baahan  gargaar naf badbaadin ah.

Martin Griffiths, madaxa OCHA, oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhibaatada cimiladu ay marka hore ku dhacaysaa dadka aadka ugu nugul dunida.

“Colaado daba dheeraaday ayaa sii socda, xasillooni la’aantuna way ka sii dartay meelo badan oo adduunka ah, gaar ahaan Itoobiya, Myanmar iyo Afgaanistaan,” ayuu yidhi Griffiths.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA  Sanadkii hore waxay codsatay lacag gaareysa $35bn oo wax loogu qabtay  dadka u baahnaa gargaar bini’aadanimo.