Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta Mucaaradka?

53

Waxaa kulan saacado socday Madaxtooyadda Soomaaliya ku yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashada gaar ahaan Cabashada xooggan ee ka taagan Doorashada Golaha Shacabka ee BFS.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay walaaca ay ka qabaan daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon Karin.

Musharixiinta ayaa si gaar ah u dul-istaagay Cabashada ka imaaneysay qaar kamid ah musharixiinta u tartameysa Doorashada Golaha Shacabka, ku waasi oo ka tabanayay in laga hor istaagay in ay u tartamaan Doorashada.

Rooble ayaa Madaxda Musharaxiinta Mucaaradka uga warbixiyay dadaalkiisa la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray  Guddiyada doorashada in  ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday in uu shir looga hadlayo sidii loo sixi lahaa cabashada ka taagan Doorashada Golaha Shacabka uu la qaadan doono Golaha Wadashiga Qaranka oo ay xubin ka yihiin xubnaha Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada  Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed  iyo heer Federaal uu u qabanayo  sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.