Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Gobolka Sanaag

58

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta Ciidamada Somaliland ka bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan oo ku wajahan dhinaca degaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana saran yihiin 18 gaadiidka dagaalka ah ayaa ka baxay, iyaga oo ku wajahan degaanka Hadaaftimo uu gacanta ku haayo Maamulka Puntland, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dhaq dhaqaaqyadaan ay qeybo kamid ah Gobolka Sanaag ka bilaabeen Ciidamada Somaliland ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u degaanka hadaaaftim u tegay arrima la xiriira diiwaan-gelinta Ciidamada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Puntland dhankooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, iyaga oo farriimo waweyn ka sameystay inta u dhaxeysa degaannada Yubbe iyo Hadaaftimo.