Xuutiyiinta Yemen oo weeraray magaalooyin Sacuudiga ku yaala

84

Ururka hubeysan eek a dagaalama dalka Yemen ayaa weeraro loo adeegsaday diyaaradaha duuli la’aanta ah ay ku qaadeen dhawr magaalo oo gudaha Sacuudiga ku yaala.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen Yaxye Sariic ayaa sheegay inay 14 weerar oo ay Sacuudiga ku qaadeen inay ku bartilmaameysteen magaalooyinka Jidda, Riyaad, Abha iyo Jiisaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegtay afhayeenkaan inay weerareen warshada shidaalka sifaysa ee ARAMCO la yiraahdo taasoo ah tan ugu weyn Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa beenisay sheegashada ururka Xuutiyiinta hase ahaatee waxay sheegtay in diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn ka geysteen magaalooyin gudaha Yemen ku yaala oo keyd hub u ahaa ururka Xuutiyiinta.