Tahriibiyaal 70 kor u dhaafaya oo ku geeryooday badda meditareeniyaanka

54

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka IOM ee ka tirsan Qaramada midoobay ayaa looga hadlay in ka badan Tahriibayaal 70 in ay ku dhinteen badda todobaadkaan meditareeniyaanka ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kuwaas oo la sheegaya in ay rabeen inay gaaraan Talyaaniga.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 90 Ruux oo tahriibiyaal ah  oo saarnaa doonta ay 75 ka mid ah ay geeryoodeen halka 15 oo dadkaasi ka mid ah islamarkaana la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, kuwaas oo la geeyay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in 70 qof oo kale ay si nabad ah ku keentay mid ka mid ah doomihii ay wateen jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, ee koonfurta Sicily.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

In ka badan 1,300 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay illaa hadda sanadkan 2021, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan bartamaha Mediterranean-ka Liibiya iyo Tunisia, kuna sii jeeda Talyaaniga iyo Malta sida ay sheegtay hey’adda IOM.