Berbera oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed oo hab casri ah loo dhisay.

63

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb ka ahaa Masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabad maanta dib loogu furayay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera ayaa xariga ka Jaray garoonkan caalamiga ah, Kaas oo dib u dhis balaaran iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in garoonka uu shaqayn doona 24 saac maalin kasta, maadama loo dhameystiray agabkiisii iyo shaqaalihii ka howlgali lahaa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabadda ayaa tilmaamay in tani ay tahay mid bogaadin mudan,  islamarkaana dhinacyadii ka qeyb qaatay ay u mahadcelinayaan, iyagoo Xusay in guul usoo hoyatay ay tahay Shacabka Reer Somaliland.