Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka shaqeynaya u gurmashada dadka la il-daran abaaraha

52

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmashada dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meelo badan oo waddanka ah.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheeegay in guddiga ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad beni’aadanimo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaaraha dalka ku dhuftay.

Shirka oo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana laga hadlay xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah Gobollada dalka, iyadoo warbixin laga dhageystay Wasiirka Gargaarka Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka shaqeyn doono sidii kaalmo deg deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay abaartu saameysay, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay caawiyaan Walaalahood ay abaartu saameysay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kulamo la qaato ganacsatada iyo culimada, si ay gacan uga geystaan u gurmashada dadka abaaraha halakeeyeen.