Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud

3

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dagaalkooda uu salka ku haayo dhul kuyaal degaankaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku geeriyoodey hal ruux, waxaana dhaawacyo kasoo gaaray laba qof oo kale oo midu haweeney tahay, sida ay sheegeen dadka degaanka lagu dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudsrayaan in weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaannada hoostaga degmada Ballanbale.

laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, hayeeshee waxaa la filayaa in Galmudug ay Ciidamo kala dhex-dhigto dhinacyada dagaalamay.