Ra’iisul Wasaare Rooble oo xarigga ka jaray Dugsiga Beeraha degmada Balcad

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray Dugsiga Beeraha degmada Balcad oo dhawaan laga hirgaliyay degmadaas.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hogaaminayay uu ka mid yahay Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta gaaray Degmada Balcad ee Gobalka Shabellada Dhexe halkaas oo aay kormeer ku sameeyen qeybaha kala duwan ee Degmada.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray Dugsiga Beeraha degmada Balcad oo dhawaan laga hirgaliyay degmadaas, isagoo xusay in arday badan aay ka faa’idi doonan culuumta Beeraha.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa uga mahadceliyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad, ka dib kulan uu maanta kula yeeshay degmada Balcad.