Askar ka tirsan AMISOM oo xukun dil ah lagu riday

4

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda ayaa maanta dhageysatay dacwadda loo heysto askarta iyo saraakiishii ku lugta la heyd dadkii shacabka ahaa lagu laayay tuullada Goolwayne ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxkamadeynta oo ka dhacday gudaha xirada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ahaa qarreeno u doodayay askarta iyo saraakiisha, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo ehelada marxuumiinta la dilay.

Askartan iyo saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay dhibaato u geysteen dad shacab ah oo aan xilligaasi hubeysneyn

Dhageysiga qareebada iyo xeer ilaalinta, maxkamadda ayaa go’aan ka gaartay kiiska oo in muddo ah soo jiitamayay.
xukumay mid 37 sanno oo xarrig ah.

10-kii bisha Agoosto ayay aheyd markii Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn, halkaasi AMISOM ay galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay wadada qabteen labo darawal, kadibna ay hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu hadalka u dhigay.

AMISOM ayaa qiratay in dadkii lagu 7 ahaa lagu dilay Golwayn in aysan ka tirsaneyn Al-Shabaab.