Guddiga doorashooyinka Galmudug oo diiwaangeliyay musharrixiinta Aqalka Sare

22

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta ka dhacday diiwaangelinta musharrixiinta labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga doorashooyinka ayaa diiwaangelinta Afar musharax oo labada mursi ku tartami doonaan, kuwaas oo kala ah.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed.

Maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug ay doortaan Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug.