Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Kismaayo.

20

Ciidamada Xoogga Dalka oo iskugu jira Kuwa Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland oo is ku dhinac ah ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay manta degaannada Labi_kuus, Qudus, Yaaq dabeeyl iyo Dharkeeyn oo hoos-taga magaalada Kismaayo.

Ciimada ayaa intii ay howlgalkooda ku guuda jireen waxaa ay burburin ku sameeyeen goobo ay sheegeen in Al-shabaab dadka lagacago ugu qaadi jireen iyo maxkamad ay deegaanadaas mid ka mid ah ku lahaayeen.

Saraakiil u hadashay Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-shabaab islamarkaana ay u baxsadeen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Ciidamada Xoogga gaar ahaan halkaasi ka howl-gala waxey dadka halkaasi ku dhaqan u fidiyay kaalmo kala duwan, maaddaama ay sheegeen in shacabka ay cuna-qabateeyeen Al-Shabaab.