Maamulka Hirshabeelle Oo Sheegay In Aan Weli Laga Soo Jawaabin Baaq Ay Direen

7

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle Cabdisalaan Cabdullaahi Angoola oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegey in hay’adaha Gargaarka aysan weli ka jawaabin baaq dhawaan uu u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabeelle si loogu gargaaro dadka ay saameeyeen fatahaadda.

Cabdisalaan ayaa sheegay in Madaxda hay’adaha samafalka ee ku sugan Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadda, isagoo intaa ku daray in hay’adaha aan laga ogolaan doonin inay dadku ku fiirsadaan xaaladaha ay iminka ku jiraan

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle ayaa xusay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan wax u qabashada dadka dhibaateysan ee ku sugan deegaannada Hirshabeelle, isla markaana ay agab gaarsiin doonaan qoysaska uu saameeyay fatahaadda.

Cabdisalaan Cabdullaahi Angoola ayaa markale ku celiyay baaq ah in gurmad dhinac kasta ah lala soo gaaro qoysaska uu fatahaadda iyo roobka ay saameeyeen.