Mareykanka oo lacag kor u dhaafaysa 6 million dul dhigay hoggaamiyaal ka tirsan Al-shabaab.

9

Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in lacag gaaraysa 6 million oo dollar la siin doono cid kasta oo xog ka keenta qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ururka Al-Shabab.

Warkaan oo ay maanta baahisay warbaahinta Kenya ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu u balan qaaday cid kasta oo keenta xogta 4 hogaamiye oo Al-Shabab hogaankooda ka tirsan in la siinayo lacag ka badan 600 oo million oo lacagta Kenya ah una dhiganta 6 million oo dollar.

Qoraalkaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibbada Maraykanka waxaa lagu sheegay in afarta hogaamiye ay kala yihiin Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abuu Cubayda ahna hogaamiyaha Al-Shabab, Mahad Karatee hase ahaate magaciisa saxda ah la yiraahdo C/raxmaan Max’ed Warsame, Fu’aad Max’ed Khalaf iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar oo sidoo kale Camar loo yaqaan.

Afartaan hogaamiye ayaa sirdoonka Maraykanka iyo Kenya ku eedeeyeen weeraro dhiig badan ku daatay oo dhawrkii sanno ee lasoo dhaafay ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay inay willi halis yihiin amniga wadamada gobolka ku yaala.

Maraykanku waxaa uu sheegay in hogaamiyaashaan ay sabab u yihiin weeraro dad badan lagu laayay oo Soomaaliya iyo Kenya ka dhacay 10,kii sanno ee lasoo dhaafay.