Amaro laga soo saaray Amniga degmada Jalalaqsi

4

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan oo soo saaray Amaro la xiriira Amaanka si loo xaqiijiyo guud ahaan amniga degmadaas.

Guddoomiyaha degmads Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo amarada Warbaahinta u akhriyay ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, wuxuuna ku dhawaaaqay Go’aannada amniganoo kala ah

1: In laga digayo in Ciidamo aan aheyn kuwa laamaha Amniga ay Gudaha degmada hub ku dhex qaataan.

2: In Ciidamada Ammaanka iyo kuwa AMISOM ay la wareegi doonaan hub kasta ee Sharci darro ah ee Magaalada lagu dhex qaato.

3: In Bulshada degmada Jalalaqsi ay u hoggaansamaan amarada amniga ee kasoo baxay Mamaulka degmada.

Degmads Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka howlgalla Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab.