Diyaarad Ku Gubanaysa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Doolow

1

Wararka aan ka helayno garoonka diyaraadaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa ku warramaya in diyaarad ay ku gubaynayso halkaasi,xili ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu damiyo dabkaasi.

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo ayaan weli ka hadli