Dad Farabadan Oo Ku Dhintay Qaraxyo Xoogan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

10

In ka badan 25 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerrar lagu qaaday isbitaal milateri oo ku yaal magaalada Kabul ee caasimadda waddanka Afghanistan.

Weerrarkaasi waxa uu ku bilowdo laba qarax oo waa wayn. Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay in qaraxa hore uu ka dhacay albaabka laga soo galo isbitaalka.

Waxa uu sheegay in midka labaad uu ka dhacay meel aanan halkaasi sidaasi uga fogayn. Shaqaalaha ayaa sheegay in gudaha isbitaalka uu ka soconayo dagaal culus.

Kalkaaliso ayaa sheegtay in dadka weerrarka soo qaaday ay tooganayeen cidkasta ee ay arkaan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaasi hasayeeshee waxaa jira warar sheegaya in dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ay galeen gudaha Isbitaalka ayna la dagaalameen ciidammada ammaanka.