Akhriso:-Dowladda Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Deg-Deg Ah

8

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xalaad degdeg ah oo dalka oo dhan saamaynaysa xilli uu sii kululaanayo dagaalka ka soconaya waqooyiga dalkaasi.

Dhanka kale warbaahinta qaranka Itoobiya ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Addis Abab ay dadka ku boorinayaan inay labada maalmood ee aaddan ku diiwaangashadaan hubkooda gaarka ay u leeyihiin.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu isbahaysiga fallaagada sheegay inuu ka baaraan degayo inuu u ruqaansado dhankaas iyo caasimadda Itoobiya.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa BBCda u sheegay in isbahaysigu uu isugu tagay waqooyiga caasimadda.

Horumarka ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa waxa ay horseedday in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.