Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Hakiyey Natiijada Doorashadii Uu Kusoo Baxay Mahdi Guuleed

16

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisga loo doortay Mahdi Guuleed ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddiga ayaa faray Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal in la haliyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Sidoo kale Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa caddeeyay in dhageysiga dhinacyada ay khuseyso dacwada iyo Go’aan ka gaarista dacwada ay ku dhameystiri doonaan muddo 7 maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa 2 November 2021.

Ugu dambeyn Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa Guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland ka dalbaday inay arrintaan si dhow ugala shaqeeyaan xubnaha gacanta ku haaya dacwada ee ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Xalinta Khilaafaadka