Taliyihii Ciidanka Keydka Puntland Oo Loo Magacaabay Duqa Kismaayo (Wareegto)

11

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose aha Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Kismaayo ahna Duqa Magaalada loogu magacaabay inuu noqdo Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Sababta keentay magacaabista Guddoomiye Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa waxaa lagu sheegay inay lagama maarman tahay in Isbedel lagu sameeyo Maamulka degmada Kismaayo, sidaasian Isbedel loogu sameeyay Maamulka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo xilka loo dhiibay, uuna si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne ayaa waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii uu Madaxweyne Puntland ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.