Deni oo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashooyinka dalka

2

-madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta daah furay Kala fadhiga 49-aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaasi ayaa wuxuu warbixin ka siiyay Golaha xaaladda Amni, mida Siyaasadeed, tan dhaqaale iyo Arimaha Bulshada.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka Puntland kahor sheegay  in guul ay kusoo dhammaatay doorashadii qof iyo codka ee hordhaca ahayd islamarkaana  ka dhacday deegaannada Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo lagu doortay golayaasha deegaanka degmooyinkaas.

“Sharaf weyn bey Puntland shacabkeeda iyo dowladduba u ahayd in aanu 53 sano kadib hirgalino doorasho ay dadku kusoo doorteyn dadka u matalaya golayaasha deegaankooda, doorashadaas waxaa ku tartamay 9 Urur siyaasadeed waxaa codbixiyaal isku diiwaan geliyay 46, 839 kun waxaana seddexda degmo ka codeeyay 28, 554 kun waxaa la doortay 87 xubnood oo gole deegaanka ah oo 23 ka mid ah ay dumar yihiin.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu hambalyo ujeediyay dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka iyo dowladda Puntland si gaar ah degmooyinkii sida ugu quruxda badneed ee ugu dhacday doorashadu.

Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay guddiga Kumeel gaarka ee doorashooyinka Puntland, Hay’addaha kala duwan ee dowladda, Ururada Siyaasada, Ciidanka, Bulshada Rayidka iyo taageerayaasha beesha Caalamka ee gacanta ka geystay qabsoomida hanaanka dimuquriyadeed ee Puntland.

Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka, isagoo xusay inay jiraan dib u dhacyo ay sababeen arrimo farsamo, sidaas daraadeedna ay haatan Puntland si dhaqso ah u guda-geleyso doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.