Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa loo jeediyay eedeyn ku aadan in uu boobayo kursiga tirisigiisu yahay 239, oo ka tirsan kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin Bulshada Somaliland.
Siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, iyagoo ku doodaya kursiga tirisigiisu yahay 239, kaas oo ka tirsan kuraasta ay golaha shacabka ku leeyihiin.
Intaa waxaa ay ku dareen in kursigan uu boobayo Mahdi Guuleed uu yahay kursi ay beeshooda leeyihiin isla markaana musharraxiintii ku tartami lahaa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Waxay tilmaameen in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uu xaq u leeyahay in uu ku tartamo kursiga tirsigiisu yahay 254, oo uu haatan ku fadhiyo xildhibaan Jaamac Maxamed askar oo katirsan barlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya.
Kursiga 239 oo lagu eedeeyay inuu Boobayo Mahdi Guuleed, waxaa horey ugu fadhiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo ah wasiirkii hore ee gaashaanka dhigga Soomaaliya, dowladdii madaxweyne Shee Shariif.
Guddiga doorashada ayaa kursigan uu haatan muranku ka taagan yahay waxay soo saareen jadwalkiisa doorasho, iyadoo la filayaa in Ra’iisul wasaare ku-xigeenku ku tartamo.