Midowga Musharixiinta oo lix qodob kasoo saaray Colaada Guriceel

19

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa shaaciyay inay aad iyo aad ugu xun yihiin dagaalada ka aloosan Dowlad Gobaleedka Galmudug gaar ahaan Guriceel, kuwaas oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & xoogaga Ahlusunna

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayay ku dalbadeen in si deg deg ah xabada loo joojiyo, sidoo kalena ay ka damqanayaan dhibaatada ka dhalatay dagaaladaas ee ah dhimasho, dhaawac iyo barakaca dad badan oo Soomaaliyeed.

Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aybsoo jeediyeen lix qodob oo xal u noqon kara joojinta dagaalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo kala ah.

1. In si deg-deg ah xabadda loo joojiyo.

2. In wadahadal siyaasadeed lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee jira lana tixraaco heshiiskii hore ee Ahlu Sunna iyo dawladdu wadagaleen uuna
saldhig u noqdaa wadahadallada cusub.

3. In la dhowro xasiloonida, midnimada iyo jiritaanka dowladeed- goboleedka Galmudug oo dadaal dheer loo soo maray qeybna ay ka
ahayd Ahlu Sunna.

4. In dowladda dhexe ay joojiso ciidanka ay u daabuleeyso Galmudug isla-markaana qaadato kaalinta uga aaddan xallinta khilaafaadka gaar
ahaan Ra’iisulwasaaraha Xukuumdda.

5. Xukuumadda Dowladda Federaalka waa in ay dowrkeeda waajibka ah ka gudataa joojinta colaadda, nabadeeynta, iyo xasilinta Galmudug.

6. Waa in laga fogaadaa wax kasta oo sii hurin kara colaadda, wixii khilaafaad ah ee soo kordhana lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Saddex Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dagaalo khasaaro badan geystay oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & xoogaga Ahlusunna