Tirinta Codadka doorashada Maanta ka dhacday Puntland oo socota

5

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa waxaa ay billaabeen tirinta Codadka doorashadii Golayaasha degaanka ee Maanta ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Xubnaha Guddiga ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee tirinta Codadka kadib markii maqribnimadii Caawa ay soo xirmeen codeynta doorashada Golayaasha degaanka.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland  Guuleed Saalax ayaa sheegay inay rajeeynayaan dhameystirka howlaha doorashooyinka gar ahaan ku dhawaaqista natiijada.

Ilaa 8 Urur oo kamid ah Ururada Siyaasadda Puntland ayaa ku tartamay doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyad aoo markii ugu horreeysay ay tahay 23 kaidb Puntland lagu qabto doorasho qof & Cod ah.