Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Ceelwaaq

1

Qarax xooggan ayaa ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, gaar ahaan hool ku yaalla xarruunta dhexe ee maamulka degmada.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa markii uu ka dhacayay hoolka ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka howl-galla degmada Ceelwaaq.

Qaraxa ayaa waxaana laga maqlay jugta qaraxaas dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Ceelwaaq ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen laba askari.

Ciidamada ammaanka ayaa billaabay howl-gallo xooggan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyaga oo baaritaano ka sameeya xaafadaha u dhow xarruunta degmada Ceelwaaq.