Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee bilaabidda doorashada Golaha shacabka oo socota

1

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadka soo socda la filayo in dalka ay ka bilowadaan doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta ayaa sheegaya in doorashada gobolada waqooyi ku metalaya golaha shacabka, dhawaan la bilaabi doono, halka sidoo kale maamulka Koofur Galbeed uu isana bilaabi doono.

Maalmaha soo aadan lagu wadaa in la xarreeyo ergooyinka soo dooran doono xildhibaanada golaha shacbaka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoona haatan ay socdaan diyaar garow ku aadan qabsoomida doorashada golaha shacabka.

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maalmaha ka hor sheegay in isku diyaariyeen qabashada doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya