RW Rooble oo u hambalyeeyay xildhibaannada Aqalka Sare ee maanta lagu doortay Jubbaland

11

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xueen Rooble ayaa hambalyo u diray xildhibaannada Aqalka sare ee manta lagu doortay magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Mudane Rooble ayaa yiri ”Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada maanta la doortay ee Jubbaland ku matalaya

Golaha Aqalka Sare ee kala ah;

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

“Waxaan sidoo kale ugu hambalyeynayaa  Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubbaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystirka doorashadii Aqalka Sare.”