Galmudug oo ka hadashay xiisada Guriceel iyo Duulaanka ay ku yihiin Ahlusunna

1

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa ka hadlay xiisada Colaadeed ee u dhexeeysa Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna oo ka taagan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo degaano hoostega.

Wasiir Axmed Shire oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu u sheegay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay kaabiya ku hayaan Magaalada Guriceel oo ku sugan yihiin Ciidanka Ahlusunna oo uu sheegay inay si qorsheysan ula wareegi doonaan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta inay fashilmeen waan-waan maalmihii lasoo dhaafay laga dhex waday Galmudug iyo Ahlusunna, isla markaana ay diyaar u ahaayeen in wadahadal lagu dhammeeyo xiisada, balse ilaa iyo hadda aysan jirin natiijo la gaaray.

Sidoo kale Wasiir Axmed Shire Falagle ayaa Carabka ku dhuftay in dadkii badnaa ee ka barakacay Magaalada Guriceel ay qorsheynayaan inay dib ugu celiyaan guryahooda, wuxuuna xusay in sababta duulaanka ugu yihiin Guriceel ay tahay inay soo gasho gacanta Maamulkooda, ayna mar dhow soo afjari doonaan xiisada ka taagan halkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayuu tilmaamay in Guriceel ay kamid tahay Magaalooyinka muhiimka ah ee Maamulka Galmudug, isla markaana ay ka go’an tahay in Magaaladaas ay gacantooda soo gasho, wuxuuna sheegay in Ahlusunna ay Mas’uul ka yihiin dhibaatada gaarta shacabka iyo hantidooda.

Hadalka Wasiirka Falagle ayaa kusoo aaday, iyada oo xiisad ay ka taagan tahay Magaalada Guriceel oo ay todobaadyo heystaan Ciidanka Ahlusuuna, waxaaana Magaaladaas ku hareereysan Ciidanka dowladda iyo Galmudug oo doonaya inay dagaal kula wareegaan, iyadoona Magaalada ay barakaceen inta badan dadkii degnaa.

Waan-waan ay wadeen Odayaasha dhaqanka Guriceel iyo siyaasiyiin kale laguna doonayay in xal looga gaaro xiisada Ahlusunna iyo Galmudug ayaa fashilantay, waxaana Maamulka Galmudug ay sheegeen inay xoog kula wareegi doonaan Magaaladaas.