Jubbaland oo soo dhameystirtay Xubnihii Aqalka Sare ee BFS.

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay afar kursi oo ka harsaneyd kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo galaya Jubbaland, iyadoo afarta kursi ay ku tartameen 8 musharax, kuwaas oo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Xubnaha baarlamaanka Jubbaland ayaa u coddeeyay afar musharax, kuwaas oo ka mid noqon doona xubnaha baarlamaanka ee aqalka sare.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Maryan Faarax Kaahiye ayaa kursiga siddeedaad ee Aqalka sare ku guuleysatay, iyadoo heshay codad gaaraya 50, halka Samsam Maxamed Bishaar oo la tartamaysayna ay heshay 22 Cod.

Jubbaland ayaa ka mid noqoneysa dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Hir-shabelle iyo Koofur Galbeed kuwaas oo soo dhameestiray kuraasta Aqalka Sare ee BFS, halka Galmudug ay qabatay qaar ka mid ah kuraasta aqalka sare ee BFS, iyadoo weli kuwa harsan aysan soo dhameestirin.