Axmed Madoobe muxuu ka yiri doorashadii maanta Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo?

1

Madaxweynaha Dowlad Goboleeka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa fariin hambalyo sh la wadaagay dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka  JFS.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Axmed Madoobe in tani ay tahay talaabo kale taas oo ku dhiiri galinaysa Jubbaland in ay sii wado shaqooyinka kale ee horyaala si doorashadu ay waqtigeeda ugu dhacdo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha Cusub ee ah Kuwii ugu danbeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka  JFS, Waa talaabo kale oo inagu dhiiri galinaysa inaan sii wadno shaqooyinka kale ee ina horyaala si doorashadu ay ugu dhacdo wakhtiga ugu dhow ee suurtagalka ah.”

Ugu dambeyn waxaa uu mahadcelin u jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka oo hirgaliyay doorashadan muhiimka ah. Ayuu yiri.

“Waxaan u mahad celinayaa gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka  ee hirgaliyay doorashadan muhiimka ah.