Ciidamada Soomaaliland oo qabtay askari dil ka geysay Sanaag.

1

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in askari ka tirsan cidiamada booliska Soomaaliland uu qof shacab ah ku dilay deeganka Yubbe oo hoostaga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Marxuunka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Saciid Cabdi, sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Sababta dilka ayaa lagu sheegay kadib khilaaf soo kala dhex galay wiilka iyo askari waxa dilay.

Intaasi kadib ciidamada booliska Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay askari dilka geystay, iyadoona haatan lagu hayo saldhiga magaalada Ceerogaabo ee gobolka Sanaag.