Farmaajo, Wasiirka amniga iyo Taliye Bashiir Goobe oo kulan gaar ah u socda

1

Madaxweynaha somaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA Bashiir Goobe ayaa haatan waxaa kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in kulanka socda looga hadlayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil iyo awoodaha dhanka sharciga ah.

Kulanka dhexmaraya Farmaajo, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Taliye Bashiir Goobe oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasii Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.

Xalay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, kaasi oo ahaa mid hordhac iyo is-wareysi ah, wuxuuna uu ku yimid dadaalo kala duwan oo uu sameeyay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.